Lafta Gareen “Mukhtaar Roobow dhawaan ayaa la soo deeynayaa”

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Maxamed Xasan (Lafta Gareen) ayaa magaaladda Baydhabo kula kulmay Odayaasha Dhaqanka maamulkaasi.

Kulanka oo waqti badan socday ayaa looga hadlay xarigii Mukhtaar Roobow, iyo sida odoyaasha ula shaqeyn lahaayeen maamulka cusub.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wixii dhacay ay la socdaan, balse hadda muhiim ay tahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii dhacay doorashadda ka hor.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Madaxda dowladda Dhexe ugu sareysa uu kala hadlay xariga Roobow, islamarkaana dhawaan lasoo gabagabeyn doonto arrimaha Mukhtaar Roobow oo dowladda haatan u xiran.

“Waxaan ka dalban lahaa Odayaasha Koonfur Galbeed in wixii dhici lahaa ay dhaceen, laakiin aan dib loo raacin, arrinta Sheekh Mukhtaar, waxaana si rasmi ah aan kala hadly dowladda goordhowna waan dhameyn doonaa” ayuu yiri Lafta Gareen

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan Mukhtaar Roobow ka soo xirtay Magaalada Baydhabo isaga oo aan ka qeyb galin doorashadii ka dhacday Baydhabo.

PUNTLAND POST