Hal ruux ayaa ku dhintay,laba kalena waa ku dhaawacmeen, dab ka dhashay haan nooca gaaska keydisa oo duhurnimadii maanta ku qaraxday, meherad ku taalla bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Goobjoogayaal ku sugan Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay, in haantu qaraxday kadib markii ay haleeshay xabad uu riday askari ka tirsan ciidamada Puntland oo qof shacab ah ay is-af dhaafeen, islamarkaana uu dab qabsaday gudaha meheradda.
Askarigii falka geystay oo goobta ka baxsaday, ayaa gacanta lagu soo dhigay,wuxuuna haatan ku xiranyahay saldhiga dhexe ee Garoowe,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar