Al-shabaab oo weerar ku qaaday gudaha Kenya

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarun ay shirkad Shiineys ah ku laheyd deegaanka Shimbirley oo hoos yimaada magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa fuliyay weerarka lagu qaaday shirkadda Shineyska ee ku taala magaaladda Gaarisa.

Sidoo kale warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in weerar xooggan ay la kulantay xarunta shirkadda shiineyska ah  ku leedahay deegaanka Shimbirley, islamarkaana lagu dhaawacay 1-ruux oo shirkadda ku sugnaa.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adda amaanka dowladda Kenya iyo Al-shabaab oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay magaaladda Gaarisa.

PUNTLAND POST