Isbeddel ballaaran oo ku yimid fikirkii Trump uu ka qabay Qaxootiga galaya Mareykanka

Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wuxuu u muuqdaa inuu kasoo dabcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ah ee dalkiisa soo galaya, gaar ahaanna kuwa iyagoo da’yar sharci-darrada lagu geeyay Mareykanka.

Trump ayaa wuuxu weli dalbanayaa ku dhawaad 6-bilyan oo Doollar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in laga dhiso xadka ay leeyihiin Mareykanka iyo Mexico.

Sidoo kale, Madaxweyne Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in muhaajiriinta iyagoo da’yar sharci-darrada lagu keenay Mareykanka. Ay sii joogaan muddo saddex sano oo dheeraada ah ayna ka shaqeystaan.

Khilaafkii u dhexeeya Trump iyo xisbiga Dimuquraadiga ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii dhawr casho ay xirmeen shaqooyinkii Muhiimka ah ee dowladda Mareykanka, waxaana Madaxweyne Trump uu hadda waddaa dadaallo kala duwan.

Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa ku gacan-seyray dalabka uu soo gudbiyay Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaas. Waxaana la sheegayaa in hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ay ku yeesheen saameyn 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha ahaa.

Ugu dambeyn, In kabadan 300,000-qof oo ka kala yimid dalalka colaaduhu ay ragaadiyeen ayaa haatan si KMG ah loogu ogol yahay inay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan Gudaha Mareykanka, Waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo.

PUNTLAND POST