NISA oo sheegtay in ay qabatay sarkaal katirsan Al-Shabaab

Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabatay sarkaal katirsan Al-shabaab.

Nisa ayaa barteeda tiwitterka ku shaacisay in howlgal qorsheeysan ay ku qabtay sarkaal dhanka dilalka Al-Shabaab u qaabilsanaa.

“Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.”

Nisa ma sheegin magaca sarkalkaasi iyo halka ay howlgalka ka fulisay howlgalkaasi.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay sameeyayay howlgalo lagu soo qabanayay dagaalamayaal Al-Shabaab katirsan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho