Baarlamaanka Itoobiya oo Ansixiyay Sharci Xuquuq Dheeri ah u Ogolaanaya Qoxootiga

Addis Ababa (PP) ─ Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa maanta oo Jimco ah meel-mariyay sharci cusub oo Qaxootiga ku nool dalkaas siinaya xuquuqo dheeri ah oo ay ka mid tahay inay ka shaqeynsan karaan gudaha dalkaas.

Sharcigan ayaa waxaa qodobbada ku xusan ka mid ah; In Qaxootiga dalkaas ku nool ay xaq u leeyihiin in Itoobiya ka shaqeystaan iyo in carruurtoodu ay wax ka bartaan iskuulada dowladdu ay leedahay, In Qoxootiga Itoobiya ku nool ay ku dhex-safri karaan gudaha dalkaas oo ay tegi karaan meel walba oo ay doonaan, halka markii hore ay xeryawha ku jiri jireen.

Waddanka Itoobiya ayaa axaa ku nool qoxooti ka badan hal milyan oo ay ku jiraan Soomaali fara badan, waxaana sidoo kale xeryaha Qoxootiga dalkaas ku jira laba milyan oo qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo deegaannadoodii uga soo barakacay siyaabo kala duwan.

Sidoo kale, Sharcigan la ansixiyay ayaa waxaa ayiday inta badan Xubnaha baarlamaanka Itoobiya, inkastoo ay jiraan xildhibaanno yar oo kasoo hor-jeestay, kuwaasoo sheegay inay ka walaacsan yihiin inay la wareegaan gabi ahaan shaqooyinka Itoobiya.

Tallaabadan ayaa waxay dhabbaha u xaaraysaa in dadka Qoxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaas. Iyadoo Qoxootiga Itoobiya ku nool ay soo dhaweeyeen sharcigan cusub ee u ogolaanaya inay ka shaqeynsan karaan meel walba oo ay doonaan.

Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay albaabada u furaysaa inay ka baxaan ku tiirsanaanta ay ku tiirsan yihiin hay’adaha qoxootiga caawiya ee dalkaas ka shaqeeya, iyagoo heli doona dhaqaale ka badan midka ay hadda helaan.

Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee Qaaradda Afrika ku yaalla ee ay ku nool yihiin Afrika ugu badan marka laga yimaado Uganda, waxaana inta badan qoxootiga ku nool ay u badan yihiin kuwo ka cararay Coladaha ka  taagan dalalka dariska ah oo ay ka mid tahay Somalia.

Qaar ka mid ah Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Itoobiya oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan sharcigan ay maanta ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya, taasoo ay xuseen inay suuro-gelinayso inay u shaqo tagaan meel ka baxsan xeryaha qoxootiga ee ay muddada dheer ku noolaayeen.

Ugu dambeyn, Sharciga Qoxootig ee la ansixiyay ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu baarlamaanka Itoobiya meel-mariyay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa isbedellada uu la yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahmed.

PUNTLAND POST