Suxufigii Kashifay Fadeexaddii Musuqmaasuq ee Xiriirka Kubadda Cagta Ghana oo la dilay

Accra (PP) ─ Wariye u dhashay dalka Ghana oo ahaa suxufigii kashifay musuqmaasuq lacageed oo uu ku kacay xiriirka kubadda cagta Ghana, ayaa xalay lagu dilay gurigiisa, kaddib markii dhawr jeer ay u hanjabeen dad aan la garanayn.

Suxufiga la dilay oo lagu magaaabi jiray, Ahmed Hussein Suale ayaa waxaa toogtay rag hubeysan oo watay mootooyin, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka hawl-gasha caasimadda dalka Ghana ee Accra.

Ahmed Hussein oo 34-jir ahaa, ayaa wuxuu xubin ka ahaa Hay’ad gaar ah oo baaritaannada  sameysa oo lagu magacaabo Tiger. Laakiinse ma jirto cid weli sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkiisa.

Dhanka kale, wariyahan la dilay ayaa wuxuu daboolka ka rogay lacag lagu sheegay laaluush oo uu qaatay guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Dalka Ghana, Kwesi Nyantakyi, waxaana taasi ay keentay in Nyantakyi laga ganaaxo cayaaraha, isla markaana lagu ganaxay inuu bixiyo lacag dhan 500,000 oo doollar.

Sidoo kale, 53 xubnood oo xiriirka kubadda cagta Ghana ka tirsan ayaa lagu soo rogay ganaax, waxaana guddoomiyaha xiriirka la sheegay inuu dalbaday in la siiyo 11-milyan oo Dollar si u fududeeyo tallaabo musuqmaasuq ahayd.

“Wariye Ahmed Husseien madaxa iyo laabta ayaa laga toogtay dhawr jeer, isla goobta ayuuna ku naf-baxay,” ayaa laga soo xigtay qaar warbaahinta dalka Ghana ka mid ah, kuwaasoo si adag u cambaareeyay dilkiisa.

Ugu dambeyn, Ururka Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka CPJ ayaa si adag u cambaareeyay dilka weriyaha u dhashay Gaana Ahmed Hussein, ee lagu wado in maalmahan lagu aaso caasimadda dalkiisa ee Accra.

PUNTLAND POST