Madaxweynaha Puntland oo joojiyay in la dhisto dhulka dowladda

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyay, in la dhisto dhammaan dhulka ay dowladdu leedahay ee ku yaalla magaalada Garoowe.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu amray taliyaha Booliiska Puntland, in uu joojiyo dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga dhisayo dhulka dowladda ee ku yaalla caasimadda Puntland ee Garoowe.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu caddeeyay, in madaxweynaha oo keliyah uu awood u leeyahay,bixinta dhulkaasi dowladda,waxaana mas’uuliyiinta warqaddan ku socoto la faray, in ay qabsadan waajibkooda shaqo.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar