Bankiga cusub ee DARYEEL oo lagu daahfuray London

Munaasabada ballaaran oo lagu daahfurayey Bankiga cusub ee Daryeel Bank oo ay leedahay Shirkadaha Xawaalada Iftin Group ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo isla munaasabadan lagu soo bandhigay adeega cusub ee (YEEL app).

Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay ganacsato, aqoonyahano, odayaal, haween iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London.

Aadan C/llaahi Ilkacase Guddoomiyaha Shirkadda Iftin Group oo Bankigan cusub faah faahin ka bixiyey ayaa sheegay in Daryeel Bank uu yahay Banki ka diiwaan-gashan Bankiga dhexe ee Somalia, ayna u dhameystiran yihiin shuruudaha looga baahan yahay Bankiyada caalamiga ah.

“Bankiga daryeel waxaa uu hoos tagaa Shirkadda xawaalada Iftin Group, waxaana uu laamo ku leeyahay gudaha Somalia, isagoo ka barbar shaqeyn doona dhamaan laamaha xawaalada Iftin ku leedahay caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha oo dhinaca kale sheegay iney soo kordhiyeen adeeg cusub qofka u sahlaya inuu lacag diro isagoo gurigiisa ama xafiiskiisa jooga, kuna helayo haddii loo soo diro.

Ingineero Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cige iyo Mahad C/llaahi ayaa dadkii ka soo qeyb galay xafladaas sharaxaad ka siiyey qaabka uu shaqeeyo barnaamijka cusub ee (YEEL-app) oo daryeel Bank uu ugu talo galay dadka Soomaaliyeed iney lacag diraan ama ku helaan lacag loo soo diray iyagoo aan tegin xafiis xawaaladeed.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha Bankiga Daryeel Xaamid Aadan Ibraahin oo isna sheegay in Daryeel Bank uu yahay Bankiga lixaad ee ka diiwaan gashan Somalia, awoodna u leh inuu u shaqeeyo sida Bankiyada kale ee la aqoonsan yahay, isagoo ugu baaqay iney ka faa’iideystaan adeegyada ay bixinayaan.

“Bankiga daryeel waxyaabaha uu kaga duwan yahay Bankiyada kale ee Soomaalida waxaa ka mid ah Adeega YEEL oo dadka isticmaalaya u fududeynaya iney si sahlan lacago isugu diraan iyagoo aan tegin xarun xawaaladeed, waana adeeg aad u horumarsan oo ilbiriqsiyo gudahood lacagta ku gaarsiinaya meeshii loogu talo galay” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Daryeel.

Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay madaxda Teknolojiyada iyo amniga ee Bankiga Daryeel Abdisalan Mohamed Ahmed oo ku dheeraaday kalsoonida lagu qabi karo adeegan iyo sida haboon ee looga faaiideysan karo.

Dadkii ka soo qeyb galay xafladan ayaa u riyaaqay Bankiga Daryeel iyo adeega cusub ee uu soo bandhigay, iyagoo ku amaanay dedaalka ay Shirkadda Iftin Group ku bixisay sidii ay u qancin laheyd macaamiisheeda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo ku booriyey shirkadda Iftin iyo Bankiga Daryeel iney halkooda ka sii wadaan dedaalkooda.

PUNTLAND POST