Khilaaf soo dhex-galay Dal ka mid ah kuwa ay Ciidammadu ka joogaan Soomaaliya iyo QM

Muqdisho (PP) ─ Maalmo kadib Khilaafkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay uu muran badan dhaliyay, ayaa waxaa soo baxay Khilaaf kale oo ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ee ku yaallay dalka Burundi.

Wargeys kasoo baxay Mareykanka oo lagu magacaabo Inner City Press ayaa warbixin uu ka qoray khilaafka Burundi iyo QM, wuxuu cinwaan uga dhigay: Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda  Aadanaha iyo fashilka kale ee Guterres, sidii Soomaaliya oo kale.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nakurunziza ayuu wargeysku qoray in uu doonayo in hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ay ka baxaan, iyadoo xoghayaha guud ee Ummadaha Midoobay, Antonio Guterres uu sheegay inaysan taasi wax minco ah lahayn.

Sidoo kale, Warar laga soo xigtay Xukuumadda Burundi ayaa sheegaya in si KMG ah loo xirayo xafiiskaas, iyadoo ku wargelisay hay’ada QM ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nations High Commissioner for Human Rights) ee ay xarunteeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland inay ka baxaan dalka.

Dowladda Burundi waxay bishii December 31-dii ee sannadkii hore albaabadda u laabtay 4 xafiis Gobaleed oo ay hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale, Wargeyska  ayaa qoray in khilaafka QM iyo Dowladda Burundi uu imaanayo iyadoo dhaawan Dowladda Burundi ay diiday qorshaha Ururka Miowga Afrika uu ku doonayaan  in lagu dhimo tirada Ciidamada Burundi ee ka hawl-gala Soomaaliya, qaybtana ka ah AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada Burundi, Col. Floribert Biyereke ayaa Bishii December ee sannadkii hore gaashaanka ku dhuftay codsigii Midowga Afrika ee ahaa in 1,000 askari laga dhimi doono Ciidanka Burundi ee Soomaaliya ku sugan. Balse afhayeenka ayaa ku baaqay in dhammaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya laga wada dhimo tiro isku mid ah.

Xukuumadda Burundi, waxaa haatan Soomaaliya ka jooga ciidan tiradooda tahay 5,400 askari, waana dalka labaad ee ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo dalka Uganda oo ay 6,200 askari ka joogaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Khilaafka soo dhex-galay dowladda Burundi, QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa weli taagan meel xasaasi ah, mana kala cadda inay Madaxda QM iyo AU-da ka qaadan doonaan go’aanno adag iyo in kale.

PUNTLAND POST