Dowladda Somalia oo Shaacisay in ay Dileen Xubno Ajaanib ah oo ka tirsanaa Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Ciidanka Kumaandoosta Somalia oo taageero ka helaya ciidamada Mareykan ayaa Hawl-galo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaanno hoos-yimaada Janaale.

Deegaannada hawl-galka laga fuliyay ayaa waxay kala yihiin; Baladul-amiin iyo Hanti-wadaag, waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen inay halkaas ku burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab lahayd, ayna dileen saraakiil ajnabi ah oo ka tisranaa kooxda iyo kuwo Soomaali ah.

“Saldhigyadan waxaan ku dilnay ku dhawaad 85 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, kuwasoo ay ku jireen saraakiil isugu jiray Somali iyo ajaabin ka bar-bar dagaalami jiray Al-shabaab,” ayay saraakiisha kumaandoosta Somalia u sheegeen warbaahinta.

Xubnaha Ajaanibta ah ee Al-shabaab ka tirsanaa ee hawlgalkan lagu dilay ayay saraakiisha kumaandoosta Somalia ku sheegeen magacyadooda; Abuu Xamsa Bin Shaam oo u dhashay Masar, kaasoo u qaabilsanaa tababbarrada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo  u dahshay dalka Tanzania, Abu Bilaal Zubeyr oo haysta dhalashada Mauritania, horay u soo noqday ku xigeenka Ibraahim Afgan, Aadan Abuu Musiyaan oo u dashay Suuriya iyo Feysal Bin hayaan oo u dhashay dalka Yaman.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada gaarka ah ee Somalia ayaa sheegay in saldhigyada ay weerarka la beegsadeen ay ahaayeen xarumo lagu tababaro xoogagga Al-shabaab, isla markaana weerarada laga soo abaabuli jiray.

Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay kumaandoosta Somalia ee ah in la dilay tiro ka tirsanaa xoogaggooda oo ajaanib iyo Somali isugu jiray.

Ugu dambeyn, Al-shabaab oo ka tirsan deegaanno ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Somalia ayaa dhawr jeer oo hore weerarro noocan oo kale ah lagula beegsaday deegaannadooda, inkastoo sannadkii hore ay dileen laba ka mid ah ciidamada Mareykanka ooh awl-gallo noocan oo kale ah fulinayay.

PUNTLAND POST