Xildhibaan si kulul u Cambaareeyay Dhaqan cusub oo uu sheegay inay la timid DF Somalia


Muqdisho (PP) ─
Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay billowday dhaqan cusub oo lagu beegsanayo dadka ka fikirka duwan.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay madaxda Dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ay la yimaadeen dhaqan ay ku ceebeynayaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan, isgaoo xusay inay kasoo hor-jeedaan in Qaladaadkooda loo sheego.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Dowladihii ka horreeyay dowladda hadda jirta, aysan dhaqamadaan ku dhaqmi jirin, ayna tahay wax laga xumaado in DF ay weerar toos ah iyo mid sharaf dil ahba ku qaado dadka ka aragtida duwan.

Faarax C/qaadir ayaa sheegay in mucaaradnimadu aysan ahayn in qofka mucaaradka ah uu doonayo in dalka uu dumiyo, balse Dowladda ay doonayso inay sidaas ka dhigto oo qofkii ka aragti duwan ka dhigaan qof dalka duminayo.

Xildhibaan Faarax oo keliya ma ahana siyaasiyiinta qaba in dowladda dhexe ee hadda jirta ay doonayso inay caburiso cid walba oo kasoo horjeeda, balse waxaa qaba siyaasiyiin kale oo qaarkood aan mucaarad ku ahayn Dowladda hadda jirta.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa inta badan Dowladda hadda jirta ku eedeeya inay caburiso siyaasiyiinta ka aragtida duwan, dhaqankaas oo uu ku sheegay mid aan dan u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxda Dowladda Somalia ayaa ku caburiya siyaasiyiinta ka soo horjeeda qaabab kala duwan, iyagoo caburintooda qaarkeed u mara inay siyaasiyiinta ku ceebeeyaan Social  Media-ha oo ay uga shaqeeyaan tiro ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed si ay u difaacaan qaladaadka Dowladda.

DHAGEYSO: Hadalka uu jeediyay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir;

PUNTLAND POST