Daacish oo ku muransan muqaal ay ka duubeen Boosaaso

Puntland Post ayaa ogaatay in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ay ku muransan yihiin,baahinta muuqaal laga duubay dad ay ku laayeen gudaha magaalada Boosaaso.

Madaxda sare ee kooxda Daacish ayaa isku’ khilaafsan, in ay soo bandhigaan muuqaalkan oo ay ka duubeen,dilka ganacsato iyo saraakiil ka tirsan laamaha canshuuraha Boosaaso,sida ay xogtani sheegayso.

Xubno ka tirsan Daacish ayaa go’aansaday in ay muuqalkan faafiyaan,si ay taageero dheeri ah uga helaan Daacishta ku sugan dalalka Carabta,hase yeeshee xubno kale ayaa sheegay, in haddii muuqaalkan la baahiyo uu sababi doono kacdoon iyaga ka dhan ah oo Boosaaso ka bilowda.

Xubnaha diiddan in muuqaalkan la baahiyo, ayaa tusaale u soo qaatay, dhibaatadii ay kala kulmeen,markii ay muuqaallo ka duubeen dad ay ku laayeen magaalada Muqdisho,taasi oo keentay in Al-shabaab ay ugaadhsi ku bilowday xubnihii Daacish ee Koonfurta Soomaaliya.

Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo wadaadka jirroolaha(cudur qaba) ee Cabdulqadir Mu’min ayaa ku dhuumaalaysta buuraleyda koonfurta ka xiga degmada Qandala ee gobolka Bari,tan iyo markii ay ku dhawaaqeen, in ay daacad u yihiin ururka Daacish ee dalalka Carabta.

Xogtan ayaa Puntland Post ka heshay ilo’ kala duwan oo codsaday in aan magacyadooda iyo codadkooda midna la baahin sababo amni-darteed.

PUNTLAND POST