Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug oo Geeriyooday

Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya goordhow ku geeriyooday xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo katirsanaa Xildhibaanada Galmudug ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa Puntland Post u xaqiijiyay geerida xildhibaan Xasan Caraad oo Nairobi Caawa ku geeriyooday.

Xildhibaanka ayaa Eebbe waxa ay uga baryeen in uu janadii firdowso aheyd ka waraabi islamarkaasina uu dambigiisa dhaafo.

Meydka Marxuumka ayaa lagu wado in dib loogu soo ciliyo dalka si loogu aaso.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho