Gaas iyo Deni oo si wadajira u gudoomiyey shirka todobaadlaha ee gollaha wasiirada

Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb gallay shirka todobaadlaha ee gollaha wasiirada Puntland oo maanta oo khamiisa ka qabsoomay aqalka madaxtooyada ee magaaladda Garowe.

Shirkan waxaa isaguna ku sugnaa Madaxweynaha xilka ka degaaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Eng Cabdullaahi Cumar Camey, waxayna labbada madaxweyne si wadajira u guddoomiyeen shirka gollaha wasiirada.

Madaxweyne Deni inkastoo uusan xilka weli la wareegin hadana waa markii labbaad oo uu booqdo qasriga madaxtooyada.

Madaxweyne Gaas ayaa umadda Puntland, Ciidamada qalabka iyo shaqaalaha Dawlada ugu baaqay inay garab istaagaan Dawlada cusub ee xukunka Dalka la wareegtey.

PUNTLAND POST