Madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in aan gorgortan laga geli doonin dhulka Somaliland qabsatay

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay, in uusan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhaleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay.

Madaxweynaha oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland,islamarkaana aan laga yeeli dooni xuduudka ay ku andacoonayan in ay Ingiriis ka dhaxleen

Dhinaca kale mudane Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaalk ah oo sal adag,isagoo tilmaamay, in Dastuurka dalku iudan diidayn in la dhisto Gole iskaashi oo maamulladu yeeshan.

PUNTLAND POST