Dr Gaas oo baaq u diray ciidamo ka soo baxay Tukaraq

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe, ayaa ciidamada Qalabka sida ee Puntland ugu baaqay, in ay hawshooda difaaca dalka iyo dadka ay sideedii u wataan oo uusan saamayn ku yeelan is-beddelka madaxda.

Dr, Gaas  ayaa ciidamada iyo shaqaalaha dowaladda xasuusiyay, in aysan u shaqeyn cid gaar ah iyo qabiiltoona,balse waajib koodu yahay, in ay u shaqeeyaan shacabka Puntland ee ku midaysan sagaalka gobol.

Sidoo kale mudane Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay, in ay si buuxda u taageeran madaxda cusub ee loo doortay hoggaanka Puntland,islamarkaana muujiyaan wadajir iyo midnimo looga gudbo wakhtigan kala guurka ah.

Hadalka madaxweyihii hore ayaa ku soo beegmay,saacado yar kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya, in cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ay soo banneeyeen jiidda Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku’ hor fadhiyaan  Puntland iyo Somaliland.

Ciidamada jiidda soo banneeyay, ayaa sida wararku sheegayan ka carooday,guul-darrada ay doorashadii shalay kala kulmeen, saraakiil ciidan oo isu’sharraxay xilka madaxweynaha Puntland,hase yeeshee aan wax codad ah ka helin.

PUNTLAND POST