Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland

Ra’iisul waasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kooban oo ay daabacday wakaaladda Wararka SONNA, ayaa  ra’iisul waasaruhu hambalyo iyo duco ujeediyay madaxweynaha cusub ee saaka loo doortay Puntland,Siciid Deni.

Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday” ayuu yiri Khayre.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha  ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub“shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa, in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid” ayuu raaciyay.

PUNTLAND POST