Axmed Karaash oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka Puntland

Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii u dambeeyay dhulka ku jiiday Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la tartamayay.

Mudane Axmed Karaash ayaa helay aqlabiyad buuxda 47-cod,halka murashixii la tartamayay Cabdi Qawdhan uu helay 19-cod oo keliyah.

Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash ayaa hore u soo qabtay xilal kala ah; wasiirka Arrimaha gudaha  iyo wasiirka Duulista hawada  ee Puntland oo uu ka soo qabtay xukuumadii Cabdiweli Gaas.

PUNTLAND POST