
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa dhaliilay qaar kamid ah xildhibaannada iyo musharaxiinta oo ka baxay hoolka Baarlamanka intii ay socotay dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland.
“ Wax 30 ka yar baa fadhiya Xildhibaanadii la rabey inay khudbadaha dhegaystaan maxaa beri ku qiimayn doontaan khudbadihii la jeediyey hadaad dareerteen” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha wakiilada mudane Cabdixakiin Dhooba-dareed.
Labo musharax oo kala ah Gen.Siciid Dheere iyo Shoortaayo ayaa dhameystay dhageysiga khudbadaha musharaxiinta oo ay dhageysanayeen Xildhibaanada, issimo iyo dadweyne kale.
Dhinaca kale musharax madaxweyne ku xigeen Saadiq Eenow ayaa sheegay, in uu iska’ laabay warqaddii khudbaddu ugu qorneyd,kadib markuu arkay xildhibaannadii dhegaysan lahaa oo banneeyay xarunta Golaha wakiilada.
Inta badan mudanayaasha Baarlamanka ayaa ka baxay xarunta, iyadoo ay socoto khudbad-jeedinta murashixiinta,lamana ganayo sababta keentay in xildhibaannadu ay banneeyaan kuraasta, xilli ay socdaan khudbadihii lagu kala saari lahaa murashixiinta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.