Dowladda Somalia oo joojisay kulan Xisbiga Wadajir uga Socday Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ciidanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta is-hortaag ku sameeyay siminaar uu bixinayay xisbiga Wadajr oo ka mid ah xiisbiyada siyaasadeed ee dalka uuna hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, CC Warsame oo warbiaainta la hadlay ayaa ku tilmaamay talalabada ay dowladdu ku diiday siminaarka ay bixinayeen mid ka hor-imaanaysa xorriyadda axsaabta siyaasadeed iyo dimuquraadiyad uu sheegay inuu dalku galay.

“Xisbiga Wadajir ayaa gaar loo beegsanayaan, waayo siminnaarka aanu  bixinaynay waa mid aan ku tababaranay dhallinyarada Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan,” ayuu yiri CC Warsame

Sidoo kale, CC Warsame ayaa sheegay in amrka lagu jooiyay siminaarkii ay bixinayeen laga soo bixiyay madaxtooyada, wuxuuna xusay inuu la yaaban yahay sababta xisbi dalka ka jira oo ogolaasho haysta loogu diidayo inuu ka sameeyo dalka tababarro iyo dhaqdhaqaaqayo kale oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeegayo.

Ciidamo fara badan ayaa hoteelka gudaha u galay iyagoo amar ku bixiyay in la joojiyo siminnaarka u socday xisbiga Wadajir oo ay ahayd in maanta lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo aanay jirin cid waxyeello loo geystay.

“Amarka lagu joojiyay tababarka wuxuu kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Tababarka aan bixinaynayna wuxuu ahaa mid kor loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee kaadirka Xisbiga Wadajir,” ayuu mar kale yiri CC Warsame oo warbaahinta si kooban ula hadlay markii lasoo xiray tababarkooda.

CC Warsame ayaa hadalkiisa ku daray. “Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala-galay inay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhawraan ayaa waxaa loo adeegsanayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis ay shaqsiyaad gaar ahi wadaan.”

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan ka jawaabin eedeynta uu jeediyay CC Warsame ee ku aaddan in xiritaanka tababarkoda laga soo amaray Villa Somalia, inkastoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo la beegsado xisbiga Wadajir.

PUNTLAND POST