Guddiga doorashada madaxtinimada dowladda Puntland oo haatan soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta murashixiinta, ayaa shaaciyay magacyada murashixiinta buuxiyay shuruudaha ee la diiwaan-geliyay.
Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada ee Dastuurka loo cuskaday.
Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay 2:00PM ee shalay oo Sabti ahayd ayaa soo idlaatay 4:00PM ee Galabta,waxaana maalinta berri ah oo Isniin ah bilaamaya, khudbad jeedinta murashixiinta diiwaan-geshan,iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo.
Maalinta Talaadada ee ku beegan 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo,waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan,halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri,sida ku xusan habraaca doorashada.
Halkaan ka akhriso liiska
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.