Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Afgooye

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan degmada Afhooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Diyaargatoowga soo dhoweeynta madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota degmada Afgooye.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi gaaray ciidamo aad u farabadan oo AMISOM iyo kuwo dowlada ah.

Ujeedka safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo degmada Afgooye ayaa waxaa ay qeeyb ka tahay abaabulka gobolka Sh/hoose looga saarayo Al-shabaab uu madaxweynuhu dhiiragalin u sameeyn doono ciidamada.

Waxaa la xiray wadooyinka muhiimka ah ee Afgooye waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u farabadan.

Dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarineeysa howlgalo culus oo Al-shabaab looga saarayo dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho