Maamulka Jubbaland oo amar kusoo rogay shacabka ku nool deegaannada uu maamulo

Muqdisho (PP) ─ War saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Howlaha guud iyo guryeynta maamulka Jubbaland ayaa dadka deggan guryaha danta guud ee Dowladda lagu amray inay si dhaqso ah uga guuraan.

Amarkan ayaa wuxuu saameynayaa dhammaan dadweynaha degan guryaha Dowladda, iyadoo loo qabtay inay muddo 14 casho ah uga guuraan, iyadoo ciddii u hoggaansami weyda amarkaasina ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqasan laga qaadi doono.

Sidoo kale, War-saxaafadeedkaas ayaa laamaha ammaanka Jubbaland lagu faray inay ka saaraan dadka deggan guryaha dowladda marka la gaaro xiliga fursada loo siiyay inay kaga guuraan guryahaasi.

Ugu dambeyn, Deegaannada Maamulka Jubbaland ayaa shacabka ku nool qaarkood waxay daggan yihiin guryihii dowladdii hore, iyadoo taallaabadan aysan ahayn middii ugu horreysay oo uu maamulkan faro shacabka ku nool deegaannadaas.

AKHRISO: War-saxafadeedka kasoo baxay Maamulka Jubbaland;

PUNTLAND POST