Dowladda Puntland ayaa ku wargelisay xubno ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Garoowe ku soo wajahnaa in aysan ka soo duuli karin garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay mudda saacado ah ku xayiran yihiin.
Dadaallo ay sameeyeen qaar kamid ah isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday.
Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somalia,hase yeeshee kuma jiraan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya,marka laga reebo xildhibaannada ka tirsan xukuumadda.
Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen,kuwaasoo u yimid arrimaha doorashada.
Wixii ka kordha kala soco: Puntland Post