Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ee maanta la magacaabay ayaa soo saaray hab-raaca iyo shuruudaha doorashada madaxweynahaa iyo madaxweyne ku xigeenka.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in murashixiinta madaxweynaha laga doonayo in ay bixiyaan $20 kun oo Dollar lacagta diiwaan-gelinta ah,halka murashixiinta madaxweyne ku xigeenka ay bixinayaan $10 kun oo Dollar.
Shuruudaha guddigu soo saaray ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in murashaxu uu labadii sano ee u dambaysay dalka joogay iyo in uusan hore u gelin khiyaano-Qaran,islamarkaana uu saxiixo qoraalka guddiga ee dhigaya in uu ku qanco natiijada doorashada,haddii uusan qoraalka saxiixin kama qeyb geli doono doorashada.
Maanta oo ah sabti 12:00 duhurnimo ayaa la qabanayaa diiwaan-gelinta murashixiinta iyadoo soconaysa ilaa maalinta berri oo axad ah 16:00 galabnimo,waxaana khudbaduhu bilaabanayaan maalinta isniinta ah oo taariikhdu tahay 07/01/2019 07:30 subaxnimo, Musharixiiba wuxuu khudbaynayaa 15 daqiiqo keliya.
Maalinta talaada oo taariikhdu tahay 08/01/2019 07:30 subaxnimo ayaa doorashadu dhacaysaa,iyadoo wareega koowaad ay u soo baxayaan saddexda murashax ee ugu codka badan,halka wareega saddexaad uu noqon doono cod dheeri,sida ay guddigu sheegeen.
Halkaan ka akhriso shuruudaha iyo hab-raaca doorashada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.