Murashixiin ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Puntland

Ilaa lix ka tirsan murashixiinta xilka madaxweymaha Puntland ayaa haatan ku dhawaaqay in ay tartanka doorashada ka tanaasuleen.

Murashixiinta ayaa kala ah;Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) ,Cali Axmed Gamuuti,Cabdixakiim Cabdi Xaashi, Maxamed Salaad Qoryoolay,Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre,waxaana ay sheegeen in ay u tanaasuleen saddexda murashax ee kala ah; Siciid Cabdullaahi Deni, Cabdisamad Maxamed Galan iyo Daahir Mire Jibriil.

Waxay sheegeen in ay cududooda u midaynayaan sidii is-beddel looga taabba-gelin lahaa Puntland,islamarkaana looga hortagi lahaa faragelina ay xukuumadda Federaalka ku sameyso doorashada madaxtinimada Puntland ee muddaysan 8-da bishan Jannaayo oo mudda saddex maalmood ah ka harsan yihiin.

Murashixiinta tan iyo saaka tanaasulay ayaa gaaraya ilaa 8 murashax,iyadoo Saadiq Eenow iyo Siciid Qurbaawi ay maanta sheegeen in ay u tanaasuleen Dr Cali Ciise Cabdi,inkastoo Saadiq Eenow uu mar dambe ku dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen.

PUNTLAND POST