Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddoonka cusub ee Baarlamanka

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa Sabtida maanta ah kulan la qaatay,Guddoonka cusub ee Golaha wakiilada oo shalay la doortay.

Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee madaxweyne Gaas  ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu  xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka cusub ee Baarlamanka Puntland, maalin kadib markii la doortay.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka  kula dardaarmay, in ay ka shaqeeyaan caddaalad iyo hufnaan,maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacabweynaha Puntland,sida lagu sheegay qoraalka.

 

PUNTLAND POST