Abaaro laga baqdin qabo inay sanadkan ku dhuftaan Somalia iyo Qaylo-dhaan la diray

Muqdisho (PP) ─ Warabixian ay dhawaan soo saareyn koox u dooda xuquuqda aadanaha oo dalka Britain fadhigoodu yahay, ayaa lagu sheegay in 4.5 milyan qof oo Somali ah ay u baahan yihiin in si deg-deg ah gargar loo gaarsiiyo ka hor inta xaaladooda xumaan oo ay macluul isku beddelin.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu sheegay in kala bar tiradaas ay yihiin carruur halka ku dhawaad barka kalana ay yihiin dad da’a ah oo aanan adkeysi fara badan u lahayn inay ku noolaadaan xaaladahaa abaareed ee ka jira Somalia.

Sidoo kale, Waxay ka digeen in Somalia ay Sannadkan abaaro xoooggan oo galaafta nolosha Somali badan ay ku dhufan karto, maadama roobab badan oo ka da’i jiray geyiga Somalia ay baaqdeen.

Dhanka kale, Warbixintaan waxaa lagu xusay in 2.6 kamid ah tirada guud ee 4.5 ah ay yihiin dad barakacayaal ah, ayna mudan tahay in Gargaar deg-deg ah lala gaaro si xaaladdooda sii xumaaneysa wax lagaga qabto.

”Haweenka, Caruurta, iyo dadka da’da ah ayaa u badan dadka ay halista ugu badan ay saameysay, waxaana jirta in nafaqo la’aan baahsan ay ka jirto Soomaaliya oo afar meelood meel kamid ah Soomaalida ay ku noolyihiin xaaladaahaasi aan ka hadalnay,” ayaa lagu sheegay warbixintaas.

Ugu dambeyn, Waxay hay’aduhu waxay u baaqeen in gargaar dhaqo ah lala gaaro Soamlia, si bay yiraahdeen lagaga hortago abaarta Soomaaliya lagaga cabsi qabo.

PUNTLAND POST