Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Dr Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda dalka Finland.
Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayey Mr. Pekka Havisto oo ka tirsan guddiga Arimaha debadda Baarlamanka Finland.
Sidoo kale waxa ku jiray diblomaasiyiin iyo wakiilo ka socday mac-hadka Nabadda ee Midowga Yurub.
Kulanka wefdiga iyo wasiirka ayaa looga hadlay,xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Finland iyo qodoba kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.