Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa hambalyeeyay guddoonka cusub ee maanta loo doortay Golaha wakiilada Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la doortay ay yihiin rag ku habboon in ay hoggaamiyaan Baarlamanka,islamarkaana ay khibrad iyo aqoon u leeyihiin shaqada loo igmaday.
Dr Gaas ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guddoonka la doortay ay Golaha ku maamulan,midnimo,wadajir iyo caddaalad.
PUNTLAND POST