Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed).
Mudane Xaashi ayaa guul u rajeeyay guddoomiyaha cusub, waxaana uu Alle uga durraantay inuu xilka u fududeeyo,isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka uu matelo.
Si lamid ah, guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo u diray mudane Cabdixakiin Dhoobo,guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland.
Cabdixakiin Dhoob oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa wareegii labaad helay 43-cod,halka Cabdi Jamaal Cismaan oo la tartamayna helay 23 cod.
PUNTLAND POST