Guddoonka Baarlamanka Puntland oo maanta la dooranayo

Guddoonka rasmiga ah ee Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa la dooranayaa maanta oo Jimce ah.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa u tartamayaa 4 murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdiraxmaan Cali Jibriil,Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Dhammaan raggan u tartamayaa doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa la sheegayaa in ay kala wataan murashixiinta madaxtinimada Puntland,taas oo la micnaha in natiijada maanta soo baxda ay saadaal u tahay doorashada madaxweynaha.

PUNTLAND POST