Guddoomiyihii gobolka Sool oo Garoowe lagu xidhay

Abukar Cabdi Geelle

Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle oo maalmo ka hor xilka iska’ casilay ayaa saaka Garoowe lagu xidhay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland.

Abukar oo hataan ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe ayaa shalay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku dhaliilay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo uu ku eedeeyay qodoba ay kamid yihiin musuq maasuq,waxqabad la’aan iyo fashil-siyaasadeed.

Laamaha amniga gobolka Nugaal oo Puntland Post xiriir la samaysay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan xadhiga mas’uulkan,hase yeeshee waxaa la aaminsanyahay in lagu haysto qoraalkii shalay uu ku dhaliilay madaxweynaha.

PUNTLAND POST