Golaha Amaanka Q.M. oo maanta fadhi ka yeelanaya Arrima Soomaaliya

Gelinka dambe ee Khamiista maanta ah ayaa lagu wadaaa in Golaha Ammaanka Q.M. uu fadhi gaar ah ka yeesho arrimaha dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu bilaabi doonaa warbixin uu Golaha siin doono Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo Talaadadii laga ceyriyay dalka kaddib markii uu su’aalo ka keenay dilka 15 ruux oo Baydhabo lagu dilay, xarigga 300 ruux iyo qabashadii Mukhtaar Roobow.

Warbixinta Haysom ayaa kadib ayaa la filaa in Goluhu qaraar cusub ka soo saaro arrimaha haatan ka taagan dalka Soomaaliya,gaar ahaanna go’aankii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga ceyrisay wakiilka Qaramada Midoobay oo dowladdu ay ku eedaysay in uu ku xad-gudbay qarannimada iyo madax-bannaanida dalka.

PUNTLAND POST