Af-hayeenka murashixiinta madaxtinimada Puntland, Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale) ayaa ka warbixiyay shir ay saaka guriga Islaan Ciise ee magaalada Garoowe ku yeesheen,qaa kamid ah isimada iyo murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland.
Aadan Gaadaale ayaa sheegay in shirka murashixiinta iyo isimada looga hadlay, arrimaha doorashada oo ay kamid yihiin amniga,wada-shaqeynta iyo hufnaanta doorashada,islamarkaana la isku’ waafaqay dhammaan qodobadaasi.
Dhinaca kale suldaan Bashiir Muuse Koonte oo dhinaca isimada u hadlay ayaa halkaasi ka sheegay in laga noqday go’aankii madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka looga mamnuucay in ay Puntland soo galaan inta doorashadu socota,kadib markii sidu uu sheegay ay isimadu la kulmeen madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Puntland.
Suldaanku wuxuu intaasi raaciya in sidoo kale aysan jirin xannibaad la saaray lacagaha xawilaadda ah ee la isu’diro.
Shirka ayaa wax aka qeyb galay ilaa 30 murashax oo u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland iyo qaar kamid ah isimada oo uu hoggaaminayo Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse.
PUNTLAND POST