Ciidamada Puntland iyo Somaliland ee isku’ horfadhiya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa maanta is-weydaarsaday madaafiic culus oo mudda saacado ah socotay,sida ay sheegeen dadka degaanka.
Madaafiicda oo ay bilaabeen ciidamada Somaliland ayaa waxaa jawaab ka bixiyay ciidamada difaaca Puntland ee halkaasi ku sugan oo qoryaha BM-ka huwiyay taliska militariga Somaliland ee Tukaraq,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegeeyaan in xaaladdu si caadi ah ku soo laabatay,hase yeeshee faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay isweydaarsadeen labada dhinac.
Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post