Wasiir Cawad “Si deg deg ah Haysom ha uga baxo dalka”

Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay tilaabo dowlada Soomaaliya ay dalka uga eriday safiirka Qaramada ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Mudane Cawad ayaa ku eedeeyay Haysom in uu ku xadgudbay qaranimada dalka Soomaaliya, islamarkaasina uu u dhaqmay sidii in uu dalka isaga maamulo.

Waxa uu sheegay in xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen in dalka aan looga baahneyn Nicholas Haysom.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Haysom uu dhowr jeer uu sameeyay falal lid ku ah qaranimada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in Haysom uu dalka isaga baxo, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Haysom ayaa xafiiska la wareegay bishii Octobar ee sanadkii tagay 2018-ka waxaana uu hayaa safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay 3 Bil oo kale ah .

Hoos ka dhageyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho