Somaliland oo ka horjeesatay go’aanka dalka looga eryay Nicholas Haysom

Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay go’aanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga ceyrisay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debadda Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uusan khusayn Somaliland,islamarkaana ay si buuxda ula shaqeynayso Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay,Mr Haysom.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay doorka Ergeyga Qaramada Midoobay ka qaatay nabadeynta Soomaaliya iyo xal u raadinta khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya. 

PUNTLAND POST