Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Golaha wakiilada cusub ee dowladda Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa magacaabay Guddiga doorashada guddoonka Baarlamanka.
Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 7 xubnood oo kala ah
- Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile (Guddoomiye)
- Xildhibaan Cali Axmed Saalax.
- Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Ciise.
- Xildhibaan Axmed Jaamac Diiriye
- Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed.
- Xildhibaan Cawil Xasan Daad
- Xildibaan Maxamuud Maxamad Barre
Guddigan waxaa kaalinaya ku simaha xoghayaha guud Cabdirisaaq Xidig Warsame iyo xoghaynta Guddiga Cabdiraxmaan Maxamed.
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maalinta Jimcaha ee ku beegan 4-ta bishan Jannaayo 2019.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.