Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa isu’ diyaarinaya in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqan lix iyo lixdanka xubnood ee Baarlamanka cusub.
Guddiga oo in mudda ah ku hawllanaa xallinta kuraasta la isku’ haysto ee xubnaha doonaya Golaha wakiilada ayaa sida wararku sheegayaan soo geba-gabeeyay hawshaasi,waxaana xilligan u harsan oo keliyah in ay shaaciyaan liiska xildhibaannada cusub.
Mudda todobaad ah ayaa ka harsan doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8-da Jennaayo 2019,waxaana isha lagu wada-hayaa ku dhawaaqista xildhibaannada cusub ee wax dooranaya.
PUNTLAND POST