Magacyada xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa haatan ku dhawaaqay lixdan iyo lixda xubnood ee Golaha wakiilada cusub.

Guddiga oo la magacaabay 3-dii bishan December ayaa mudda 27 maalmood ah ku hawllanaa xallinta kuraasta lagu muransanyahay ee xubnaha doonaya in ay kamid noqdaan Baarlamanka ayaa goor dhoweyd shaaciyay magacyada xildhibaannada Baarlamanka,kuwaasoo isugu jira  49 cusub iyo 17 xubnood oo ka tirsanaa Baarlamankii hore,balse dib loo soo doortay.

Dhanka Haweenka waxa ku jirta hal gabadh oo laga soo xulay gobolka Sool,laguna magacaabo Nimco Cabdi Caarshe.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran

PUNTLAND POST