Xildhibaanada Baarlamaanka oo meel mariyay miisaaniyada Dowlada

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa meel mariyay miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sanadka 2019-ka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod wado ogol ah ku ansixiyay miisaaniyada dowlada mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

174 Xildhibaan ayaa u codeeyay in la ansixiyo miisaaniyada dowlada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in ansax ay tahay miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho