Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo Muqdisho ku Geeriyooday

Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle  uu ku magac dheeraa Korneel Ruush oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Ruush ayaa geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelkiisa.

Xildhibaanka ayaa kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka ee deegaan ahaan ka soo jeedo Deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay geeridaasi ku timid xildhibaanka eebana uga baryay in uu geeyo janadiisa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho