Xaaf “waxaan ka baqeeynaa in sidii Rooboow qoorta nala soo qabto oo nala xiro”

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Galle oo wariyaasha kula hadlay Dhuusamareeb aya ka hadlay dagaalada ka dhacaya deegaano katirsan Gobolka Gal-Gaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa muujiyay sida  uga xunyihiin dagaalkaasi waxaana uu ku baaqay in dagaalkaasi la joojiyo.

Xaaf ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay in ay dagaalkaasi ay hurineeyso islamarkaasina faragalin ay ku hayaan Gal-Mudug.

”Faragalinta DF nagu heyso awgeed waxaan ka baqeynaa in sidii Mukhtaar Rooboow qoorta nala so qabto,Laakiin ha ogaato halkan ma ahan  Meeshii ay Ciidan usoo diri lahayd,faragalinta hadaysan naga deyn sidii Al-shabaab ayaan ula dagaalameynaa” ayuu yiri madaxweyne Xaaf

Waxaa sii xoogeeyaanaya qilaafka u dhaxeeyo Gal-Mudug iyo dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post