Ra’isilwasaare Kheyre oo daah furay shirka isla xisaabtanka Xukuumada

Ra’isilwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir gudoomiyay shir xasaasi ah oo golaha wasiirada Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Shirkaasi ayaa ku saabsanaa isla xisaabtanka golaha wasiirada wixii u qabsoomay sanadkaan dhamaadka ah iyo waxa u qorsheeysan sanadka soo socdo.

Xasan Cali Kheyre Ra’isilwasaaraha Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in isla xisaabtan dhab ah uu dhaco.

“Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda” ayuu yiri Kheyre

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale maanta ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho