Musharrax Axmed Karaash ayaa booqashadiisa ka bilaabay Islaan Ciise Islaan Maxamed, isagoo la qaatay kulan isugu jiray is xog-wareysi iyo duco, mana jirin wax arrimo siyaasadeed oo uu kala hadlay Islaanka.
Musharaxa waxaa kale oo uu booqday Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, isagoo halkaas ugu tagay salaan sharaf. Beeldaajaha ayaa si diiran usoo dhoweeyay musharaxa, isagoo uga mahad celiyay booqashadiisa uguna duceeyay inuu ilaaheey ku guuleeyo hamigiisa siyaasadeed.
Musharaxa ayaa sidoo kale, hoygiisa ku booqday Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, iyagoo wada qaatay kulan muddo kooban socday oo daarnaa iska xog wareysi bulsho iyo salaan. Musharuxu wuxuu sidoo kale halkaas kula kulmay Isimo kale uu kamid ahaa Suldaan Bashiir Muuse Koonte.
Axmed Karaash ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland, waana mid kamid ah murashixiinta kamid ahaa labadii xukuumadeed ee ugu dambeeyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.