Garowe oo la ciir-ciiraysa dadkii ugu badnaa iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada

Deegaanada Puntland waxaa siweyn looga diyaar garoobayaa doorashadda madaxtinimada Puntland oo ay ka harsan tahay mudo asbuuc ah, kumanaan qof oo xiisaynaya doorashada ayaa soo gaaray caasimada Garowe, dadka kusoo qul-qulaaya magaalada ayaa u badan taageerayaasha musharixiinta oo doonaya inay taageeradooda ku bari-taaraan musharaxa ay taageersan yihiin.

Liiska xildhibaanada cusub

Waxaa saacadaha fooda ina kusoo haya la filayaa inay guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanku soo saaraan liiska 66-da xildhibaan ee kamid noqday baarlamaanka cusub ee Dawlada Puntland 2019-2023. Sida ay xaqiijinayaan wararka ay helayso PUNTLAND POST guddiga ayaa ku jira diyaar-garowgoodii ugu dambeeyey ee shaacin xubnaha baarlamaanka cusub.

Mashquulka magaaladda

Mashquulka caasimada

Magaalada Garowe waxaa siweyn looga darreemayaa mashquul aad u sareeya, waxaana saxmad iyo ciriiri laga dareemayaa guud ahaan wadooyinka, maadama aad moodid in gaadiidkii ka tiro batay wadooyinka magaalada, sidoo kale meheradaha, hotelada iyo goobaha lagu qaxweeyo marka aad booqatid waa adag tahay inaad meel banaan ka heshid.

Amniga Garowe

Waxaa siweyn loo adkeeyey amaanka caasimada Puntland, waxaana wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u qalabaysan oo isugu jira ciidamada PSF, Boolis iyo ciidamada PMPF, iyadoo baraha kantaroolada ee laga soo gallo magaalada la geeyey ciidamo dheeriya si loo xaqiijiyo dadka tirada badan ee magaalada kusoo qul-qulaya.

Ololaha doorashada.

Musharixiinta ayaa wadada olole xoogan oo doorashada ah, waxaana magaalada lagu arkaayaa gaadiid lagu xiray cod-baahiye iyo muuqaal-baahiye kuwaas oo ay musharixiintu ku gudbinayaan fariintooda doorashadda, waxaa magaalada laga taagay tabeelayaal waaweyn oo ay ku dheggan yihiin sawiradda musharixiintu.

Isku soo wadda duuboo doorashadan ayaa u muuqata mid xiiso gooniya leh, waana waxa ugu weyn ee laga hadal hayo guud ahaan deegaanada Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaalida.

PUNTLAND POST