Axmed Madoobe oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay inay la Dagaallamaan Al-shabaab

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoob], ayaa Maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha ciidamada Jubbaland, halkaasoo uu kula hadlay ciidammo gaar ah oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Axmed Madoobe, ayaa ciidamada iyo sarakiisha uu xarumahaas kula kulmay ku booriyay inay laba-laaban dadaalkooda iyo u diyaar-garowgood ku aadan hawl-gallada socda ee la isugu furayo magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Al-shabaab ay awood ahaan aad u liidato oo aysan hor-istaagi karin ciidanka hawl-gallada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dar-dar leh loo wado.

Dhanka kale, Wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka wali ku jira gacanta Al-shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xorriyada looso celin lahaa, ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.

Ciidamadan isugu jira ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa loo diyaariyay inay dagaal la galaan xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe oo ka mid ah deegaannada ay Jubbaland ka taliso.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Jubbaland ay ku dhawaaqaan inay dagaal la galayaan xoogagga Al-shabaab ee weli gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo haatan sheegay inay beegsanayaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

PUNTLAND POST