Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
Kulankaasi oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa lagu horgeeynayaa miisaaniyaa dowlada sanadka 2019-ka.
Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Baarlamaanka horgeeynayo miisaaniyada.
Xildhibanada ayaa marsiin doono aqrinta 1-aad ee miisaaniyada dowlada.
Muddo kadib ayuu maanta dib u furmayaa fadhiga Baarlamaanka oo in muddo ah hagad ugu jiray qilaaf u dhaxeeyay gudoonka Baarlamaanka inkastoo hadda la xaliyay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho